Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Roobo ayaa amar ku bixiyay in ay dib u shaqo billaaabaan shaqaalaha qoda Kaawada ee degaankaas.
Arrintan waxaa ay timid kaddib bilo ay socdeen banaanbaxyo ay sameynayeen Shaqaalaha oo ka cabanayay in shaqo la’aan ay soo wajahday.
Dowladda Dhexe ee Kenya ayaa xirtay shaqada Kaawo Qodidda kaddib markii Al-shabaab ay dhowr jeer laayeen shaqaale kaawo qodayay oo aan u dhalan degaanka.
Cali Roobow ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in dib u shaqo billaabaan dadkaas,waxaana uu sheegay in heerka nolosha ee dadka ay hoos u dhacday.
Dowladda dhexe ayuu u sheegay in ay waajib ku tahay sugidda amniga shaqaalaha,waxaana uu sheegay in amni darro shaqo loo joojiyo aan la aqbali karin in baahi loogu dhinto.
May 4, 2018, ayey dowladda Kenya joojisay shaqada Kaawo qodidda xilligaas oo Al-shabaab ay dileen 4 Qof oo dadka kaawada ka shaqeeya ahaa,waxaana inta badan Gobolka ka baxay shaqaalihii aan u dhalan degaanka.
Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in shaqada kaawo qodidda ay ku xiranyihiin 5,000 oo qof oo Kenyaan ah islamarkaana ay maanta shaqo la’aanyihiin dadkaas.
Cali Roobow ayaa sheegay in shaqada laga joojiyay macdan qodoyaasha cabsi amni darro darteed ay ka dhigan tahay in haddii shaqaalaha Caafimaadkana la weeraro adeegga Caafimaad ay joojin doonaan,sida waxbarashada ku dhacday oo kale taasna ay caqabad ku tahay mustaqbalka dadka Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya.
