Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Magaalada Muqdisho waxaa tababar soconaya muddo 10 Maalmood ah uu uga furmay xubno ka tirsan Ciidanka Ilaalada nabad gelyada waddooyinka Muqdisho.
Tababarkan waxaa uu ka furmay Xarunta Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho,waxaana munaasibadda furitaanka Saraakiisha ka hadlay ka mid ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed oo ciidamadaas kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan amniga iyo hagidda Gaadiidka.
Siihayaha Madaxa tababarka Booliska AMISOM ee Soomaaliya,Leon Ngulubem,ayaa sheegay in tababarkan uu Ciidamadan u leeyahay faa’idooyin ay ka midyihiin xirfad kordhin,Cilmi iyo in shaqooyinkooda ay u gutaan si ay xirfad ku dheehan tahay.
Leon Ngulube,ayaa ku faanay in amniga Magaalada Muqdisho oo soo hagaagay uu sabab u yahay ciriiriga Waddooyinka Muqdisho oo uu sheegay in Gaadiid badan ay adeegsadaan.
Waxaa uu Ciidamada tababarka loo furay kula dardaarmay in ay xirfadaha ay bartaan uga faa’ideyaan saaxiibadooda kale islamarkaana si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Muqdisho.
Isha:AMISOM.
