AMISOM oo tababartay Booliska ka hortaga rabshadaha

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa magaalada Kismaayo waxaa uu tababar ugu soo xiray Ciidan ka mid noqonaya kuwa Rabshadaha ka hortaga ee Maamulka Jubaland.

Isku duwaha arrimaha Booliska AMISOM,qeybta Jubaland  Martin Abilu,ayaa sheegay in Ciidankan ay muhiim u yihiin xasiloonida degaanka islamarkaana ay dhamaan maamul Goboleedyada kale u tababarayaan.

Waxaa uu sheegay in marka Booliska ay ka hortagayaan rabshadaha aan loo baahneyn adeegsiga Hubka sidaas darteedna loo baahanyahay in ay adeegsadaan agabka ay adeegsadaan Booliska casriga ah.

Maxamed Axmed Qooto,waa Taliyaha Xerada Drawiish ee Kismaayo oo Ciidankan lagu tababaray,waxaa uu sheegay in tababarkan uu natiijo la taaban karo u leeyahay ilaalinta sharciga iyo u adeegidda Bulshada degaannada Jubaland.

Mustaf Cali Mukhtaar oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee tababarkan helay ayaa sheegay in uu qaatay tababar uu ka helay xirfado dheeraad ah,waxaa uu intaas ku daray in hadda uu awood u leeyahay in uu shaqadiisa u qabto si xirfadeysan.

Isha:AMISOM.

General Editor

Read Previous

Somali police officers trained on riot-control tactics,AMISOM

Read Next

Guddoomiyaha Mandheera oo amray in dib loo furo Xarumaha Kaawo qodidda