Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in uu buray islamarkaana laga laabtay Mooshinkii kadhanka ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, mooshinkan ayaa 92, xildhibaan oo kamid ah golaha shacabku waxa ay geeyeen xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka 9-December-2018.
Mursal ayaa dhowr sababood kusheegay in ay keeneen ka laabashada iyo buridda Mooshinkii kadhanka ahaa madaxweyne Farmaajo, waxaana sababahaas kamid ah
- 14 xildhibaan oo cabasho u gudbiyey guddoonka golaha shacabka iyaga oo sheegay in aanay saxiixin balse laga been abuurtay magacyadooda.
- In aanay weli dhismin Maxkamadda Dastuuriga oo eegi lahayd in eedeymaha kujiray Mooshinkan ay leeyihiin sal sharci ah islamarkaana ah maxkamadda Dastuuriga ah ee awoodda u leh in ay gasho arrintaas.
- In aanay Maxakamadda sare isu rogi karin maxakamadda Dastuuriga ah
- iyo In aan go’aan si sharci ah looga gungaari karin eedeymaha ku xusan Mooshinkan iyada oo ay maqan tahay maxkamadda Dastuuriga
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Ganey oo kamid ahaa xildhibaanada socodsiinayey Moohinkan ayaa u sheegay Mustaqbal in iyada oo loo turayo dalka iyo dadka la go’aansaday in Mooshinkaas laga noqdo.

Mooshinkan ayay dooddiisu taagnayd muddo kudhow laba todobaad waxaana kadhashay xasilooni la’aan siyaasadeed oo sababtay in howsha golaha shacabka ay istaagto ama ay qabsoomi waayaan fadhiyadii golaha shacabku.
Mustaqbal Radio.
