Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaran ayaa maanta diiwaangeliyay islamarkaana shahaadooyinkooda guddoonsiiyay ilaa lix xisbi oo si KMG ah isu diiwaangeliyay.
Axsaabta cusub ee Maanta la diiwaangeliyay ayaa waxaa ay kala yihiin;
1-Xisbiga qaran,
2-Xisbiga hor-usocodka shaqaalaha,
3-Xisbiga dhaq dhaqaaqa,
4-Xisbiga Saanuu,
5-Xisbiga midnimada,
6-Hugaan qaran.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in ilaa hadda Axsaabta sida KMG ah u diiwaangeshan ay gaarayaan ilaa 63 xisbi.
Mas’uuliyiinta Guddiga doorashada madaxabanaan ee Qaranka ayaa qaba in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah dhamaadka mudda xileedka dowladda hadda jirta iyada oo ay ku gedaamanyihiin caqabado badan.
