Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Madaxweyne Xaaf, kuxigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa muddo bil iyo dheeraad ah waxa ay kuwada hadlayeen magaalada Muqdisho, wadahadalka madaxda Galmudug oo ahaa mid u badan gorgortan siyaasadeed ayaa waxa fududeeyey madaxweyne Farmaajo sida uu sheegay Axmed Ducaale Geelle xaaf.
Horraantii July waxa la shaaciyey in madaxda Galmudug heshiiyeen, laguna guuleystay xalka khilaafkii u dhexeeyey, balse waxa soo baxday in aysan heshiin xalna ka gaarin murankii iyo yooyootankii u dhexeeyey.
Cali Gacal Casir iyo Maxamed Caddi Xaashi oo labaduba caro iyo eedo tirsi u joogay Muqdisho ayay madaxweyne Xaaf isku fahmi la’yihiin wada-hadal dheer kaddib habka loo qorayo warmurtiyeedka iyo heshiiska ay wadagaarayaan labada dhinac.

Casir iyo Camey oo qaba welwel ku saabsaan mustaqbaloodaa siyaasadeed ayaa soo jeediyey in la sameeyo qoraal faahfaahsan laguna daro warmurtiyeedka qodobo ay kamid yihiin:
- Dib ugu noqoshada Dastuurka Galmudug
- In Galmudug doorasho gasho July-4-2019, taas oo kadhigan Baabi’inta in madaxweyne Xaaf qaato muddo xilleed kabadan labadii sano ee ka hartay xilkii madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed
- In la caddeeyo halka uu ku shaqeynayo Baarlamaanka Galmudug, lagana dhigo xaruntiisa degmada Cadaado
- Iyo in laga noqdo kordhintii ugu dambeysay ee Baarlamaanka Galmudug
Soo jeedinta Casir iyo Camey oo ahayd in heshiiskii afka ahaa ee ay la gaareen madaxweyne Xaaf laga dhigo qoraal waxa taageeray madaxweyne Farmaajo, bale waxa ka gows qabsaday Axmed Ducaale Geelle, taasina waxa ay sii hurisay welwelkii madaxweye kuxigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waana taas sababta uu madaxweyne xaaf oo aanay la socon Casir iyo Camey uu ugu safray dhuusamareeb.
Kahor shirkii Baraasalis Madaxweyne Xaaf, kuxigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanku waxa ay gaareen heshiis, waxa ayna ahayd in ay kuwada laabtaan Dhuusamareeb, balse taasi ma dhicin, Xaaf iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Insniitii ku laabtay Dhuusamareeb, madaxweyne Xaafna waxa uu muujiyey in wadahadalku weli socdo balse waxa ka muuqatay wejigiisa in boqoleyda lagu gaari karo heshiis muddo dhow ay aad u hooseyso.
Waa maxay sababtu?
Inkasta oo Axmed Ducaale Geelle xusay in madaxweyne Farmaajo howl badan geliyey wada-hadalka madaxda Galmudug haddana waxa uu sheegay in dowladda Federaalku ku hayso Galmudug caqabad dhaqaale iyo mid jiritaan, waxa uu muujiyey in taageerada caalamiga ah iyo Dhaqaalaha kabka Galmudugba ay dowladda federaalku gacan bidixeyn ku sameysay.
Arrintan waxaa kob u barkan xildhibaanada laga soo doortay Galmudug ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka qaarkood, kuwaas oo qaba welwel ku saabsan in haddii madaxda Galmudug ee maanta jirta ay gaaraan 2020 ay adkaan doonto in ay ku soo laabtaan xilka, sidaas oo kale sida uu muujiyey madaxweyne Xaaf xukuumadda qudheeda ayaa ku mashquulsan sidii loo horjoogsan lahaa in Galmudugta maanta jirtaa ay sii joogto kaddib July-2019, si taasi u hirgashana waxaa suuragal ah in isbeddel ka dhaco wasaaradda arraimaha gudaha, isbeddelkaas waxaa xagga dambe ka riixaya siyaasiyiin danwadaag ah oo isku deyaya in labada dhinac ee horseeday midowga Galmudug la kala jebiyo, sidaas awgeed xogta ku saabsan isbeddelkan ayaa muujineysa suurtagalnimada in Cabdisamad Macalin Maxamuud loo magacaabo wasiirka arrimaha gudaha, taasina waxa ay xoojin doontaa doodda kusaabsan in xilka madaxwye xaaf ku egyahay july-2019.

Madax kudhow Xaaf ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Eng Cabdi Maxamed Sebriye uu yahay nin aad isu illaaliya oo ay adag tahay in uu ku dhiirrado tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si qorshahani u hirgalo, sidaas awgeedna ay u badan tahay in xilkaas loo magacaabo Cabdisamad Macalin Maxamuud.
Maxaa ka dhashay khilaafka Galmudug?
Khilaafka iyo qaylada madaxda Galmudug waxa ay sababtay in howlihii maamulka iyo shaqadii horumarinta ee ka socotay magaalooyinka waaweyn ay istaagaan,sidaas oo kalana ganacsiga iyo dhismaha magaalooyinka iyo kala iibsiga dhulka oo si fiican u socday ayaa hadda istaagay si loo hubiyo halka uu ku dhammaado murankamadaxdu!
Xigashada: Ilo kala duwan
