Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 29-ka bisha September 2018, kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa Arbacadii todobaadkii tagay ugu baaqday Kooram la’aan, waxaana guddoonka Xildhibaanada ay ugu baaqeen Mudanayaasha Maqan in ay Xaadiraan fadhiyadooda.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo la filayo in lasoo gaba-gabeeyo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo diray fariimo lagu ogeeysiinayo in Maanta oo Sabti ah uu kulanka Baarlamaanka jiro,isla markaana ay ka soo qeyb galaan.
Golaha Shacabka ayaa qorsheynayay in Arbacadii Todobaadkii tagay lasoo gaba-gabeeyo Doodda Xeer Hoosaadka, maanta oo ah 29-ka bisha ay cod u qaadaan, balse dib u dhaca waxaa keenay Kulankii kooram la’aanta u baaqday.
