Golaha Aqalka sare oo maanta bilaabaya Xal u raadinta Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Sida wararka Mustaqbal radio ay heleyso ay sheegayaan, kulan gaar ah ay yeelanayaan maanta senatarada Golaha Aqalka sare waxa ay kaga hadli doonaan Khilaaf siyaasadeedka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Xubnaha guddoonka u ahaa wufuudii golaha uu u diray Xarumaha ay ku shaqeeyaan Maamul Goboleedyada ayaa laga dhageysan doonaa Warbixin guud, sida Mustaqbal wararka ay heleyso ay sheegayaan.

Golaha ayaa fadhigooda diiradda ku saari doono sidii loo guda gali lahaa wada xaajoodka, maadaama Xukuumadda ay magacawday guddi Aqalka sare kala hadla Tabashooyinka Madaxda Maamul Goboleedyada.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulllaahi ayaa dhowaan sheegay in ay guda gali doonaan sidii ay u dhammeyn lahaayeen Xiisad Siyaasadeedkaas.

Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in golaha Aqalka sare ay ku gacan siinayaan sidii ay ugu mira dhalin lahaayeen wada xaajoodka ay wadaan.

Waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynayaasha Jubbaland, Hir-shabeelle iyo Koofur Galbeed, si ay ugula hadlaan dhammeynta Xiisadda ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo dhistay Gole ay ku mideysan yihiin.

Mustaqbal media

Read Previous

AU fetes Burundian troops with medals for their distinguished service in Somalia

Read Next

Ciidamo Burundi ah oo ka baxay Somaliya