Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, ayaa ka hor yimid warqad shalay ka soo baxday Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo ku xusan 27 qodob oo ay tahay in loo maro habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar, ayaa sheegay ineysan jirin wax la tashiyo ah oo Xukuumada Soomalaiya ay kala sameysay maamulkooda, xiliga ay soo saareysay sharcigan, taasoo ka dhigan ineysan waafaqeyn dhaqan gelintiisa.
Waxa uu dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar talo ahaan u soo jeediyay in dowladda dhexe ay maamul goboleedyada kala tashato shuruucda ay soo saareyso, maadaama dhaqan gelintooda looga baahan yahay deegaanada ay maamulaan dowlad goboleedyada.
Wasiirka Dastuurka maamulka Hirshabelle, ayaa isaguna wlaac xooggan ka muujiyay warqada ka soo baxday Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arintan ay tahay mid baal marsan Dastuurka KMG-ka ah ee dalka u yaala.
Waxa uu sheegay Wasiirka in madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu arintan ay isla qaateen, ayna ka soo horjeedaan habraaca cusub ee soo baxay, kaasoo ka hor imanaya habkii loo wada shaqeynayay.
Halkan Hoose ka Aqriso Warqada Wasaarada Dastuurka Hirshabelle soo saartay:

