FBI-da Mareykanka oo baaraya labo sarkaal oo Ilham Cumar ku eedeeyay Argagixisanimo

Booliska Federaalka ah ee Dalka Mareykanka ayaa su’aalo weydiinaya labo ka mid ah Saraakiisa Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka.

Labada qof ayaa lagu soo helay in ay farriimo ku daabaceen baraha bulshada iyaga oo Ilhaan Cumar ku eedeynaya in ay soo qaadatay casharro argagixisanimo sidoo kalena soo fariisatay dugsiyada argagixisada.

Mid ka mid ah saraakiisha Su’aalaha la weydiinayo waxaa lagu magacaabaa Leslie Derewonko, waxaa uu bartiisa baraha bulshada ku qoray ” kaliya ma qaadan casharro argagixiso ee waxaa ay la fariisatay argagixisada waxna la baratay waliba”.

Qofka labaad ayaa farriinta uu soo dhiibay sarkaalkii hore ee faafiyay,waxaana labaduba beddeleen Akoonnadii barta LinkedIn ee ay farriimaha ka soo geliyeen si aysan u daba gelin hay’adaha dambi baarista.

Hay’adda ICE ayaa sidoo kale sheegtay in ay baareyso haddii farriimaha noocan ah ee dadka hay’adda u shaqeeya ay jebinayaan siyaasadda haya’ddooda.

Todobaadyadii la soo dhaafay Ilhaan ayaa bartimaameed u ahayd Yuhuudda Mareykanka, xubnaha Xisbiga Jamhuuriga iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga oo ku weeraray hadal ay ka sheegtay Brack Obama.

Mustaqbal

Web master

Read Previous

Carruurta Soomaalida ee UK oo dalka dib loogu soo celinayo

Read Next

Waddooyinka Muqdisho maanta xiran