Carruurta Soomaalida ee UK oo dalka dib loogu soo celinayo

Hooyooyinka Soomaalida ah e ku nool Dalka UK ayaa billaabay in ay dib u soo celiyaan Carruurtooda ku kortay dalkaasi Ingiriiska.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii Magaalada London iyo magaalooyinka kale ee Ingiriiska ay ku batee dilalka loo geysanayo dadka Dhallinyarada ah.

Bishii la soo dhaafay kaliya Magaalada London waxaa Middi lagu dilay 26 qof oo uu uu dambeeyay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabayay Ayuub Xasan 17 jirna ahaa kaas oo Khamiistii lagu dilay London.

Waaliddiinta ayaa billaabay in Carruurtooda ay keenaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay sheegaan in ay ka amaan fiicanyihiin Magaalada London oo hooy u noqotay dilalka.

Ruqiya Ismaaciil oo ka mid ah Hooyooyinka wiilashooda dalka dib ugu soo celiyay ayaa sheegtay in waxa ka socda UK ay yihiin wixii ay markii hore kala carareen carruurtooda.

Waxaa ay sheegtay in Booliska Ingiriiska aysan damaand qaadi karin amaanka Carruurtooda maalinkastana lagu dilo London iyo Magaalooyin kale.

Sacdiya Cali oo ka mid ah Hooyooyinka ayaa sheegtay in amaanka Hargeysa, Muqdisho iyo Nairobi uu hadda ka wanaagsanyahay London iyo magaalooyinka qaar ee Ingiriiska, iyada oo xustay in Booliska ay gabeen sugidda amaanka Carruurta London ku nool.

Web master

Read Previous

Furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha shacabka oo dib u dhacay

Read Next

FBI-da Mareykanka oo baaraya labo sarkaal oo Ilham Cumar ku eedeeyay Argagixisanimo