Waddooyinka Muqdisho maanta xiran

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa maanta xiran kaddib markii saaka dadka Muqdisho ay ku soo tooseen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhooban waddooyinka.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa jidadka waaweyn iyo kuwa xaafadaha,waxaana ay gaadiidka noocyadiisa kala duwan u sheegayaan in aysan mareyn Waddooyinka.

Dadka Magaalada ayaa saaka lugtooda maalaya maaddaama gaadiidkii dadweynaha la joojiyay.

Xirnaanshaha Waddooyinka ee maanta ayaa salka ku haya aaska Allaha u naxariistee Wasiir C/Raxmaan Xoosh Jibriil oo Jimcihii ku geeriyooday Dubai.

Aaska Marxuumka ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreysa dalka, iyada oo meydkiisa maanta laga soo dejinayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Web master

Read Previous

FBI-da Mareykanka oo baaraya labo sarkaal oo Ilham Cumar ku eedeeyay Argagixisanimo

Read Next

Somali woman jailed in brother’s kill