Nepal oo baaraysa Hiddesidaha Dadkii ku dhintay Daadadka ee ilaa hadda aan ehelkooda la aqoonsan
Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.
Farmaajo ayaa la wadaagay Muuse Biixi Cabdi “tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.” Sida lagu yiri Qoraal lagu daabacay Villa Soomaaliya.
Dhanka kale Farmaajo ayaa bulashada u soo jeediyay in la garab istaago ganacsatada ku hantibeyshay “Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”
Ugu Dambeyn Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.” Sida lagui yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Suuqa Waaheen ee Gubtay ayaa lagu qiyaasay hantida ku basbeeshay malaayiin Doollar, Daminta Dabkaas ayaa qaatay in ka badan 10 saac, Isbitaalka Magaalada Hargeysa waxaa la geeyay Dad ku dhaawacmay oo u badan Jab iyo gubniin.
