Nepal oo baaraysa Hiddesidaha Dadkii ku dhintay Daadadka ee ilaa hadda aan ehelkooda la aqoonsan
Ciidamo katirsan Xoogga Dalka ayaa saakay waddooyinka u dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay Gaadiidku si joogta u isticmaalayeen, Gawaarida iyo Dadka lugeynaya ayaa meelaha qaar laga celinayaa sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Tiro Dad ah oo saakay laga celiyay waddada Warshadda Caanaha ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka laamiga ay dhigeen dhagaxaan, Taayiro iyo Biro ay ku muujiyaan in waddada ay saakay xiran tahay.
Gawaarida ayaa saxmad ku ah waddooyinka Xaafadaha dhexmara oo isu gudubkooda dhib ku ah maadaama waddooyinka qaar ay yar yihiin halka Gawaaridii laamiga laga soo celiyay ay isugu tageen.
“Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka ayaa saakay xiray waddada Warshaddii Caanaha, Gawaarida ayaa saxmad waqti badan ah ku galay jid caddayaasha Xaafadaha, Dadka qaar ayaa lugeynaya maadaama ay ka daahsan yihiin Goobaha Waxbarashada, Shaqo & Caafimaadka” ayuu yiri qof kamid ah Dadka la kulmay waddada xiran.
Ilo kale ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada Xoogga ay xireen inta u dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga ilaa Ex Control Afgooye Waddada Warshadaha balse la sheegin sababta ka dambeysa in saakay la xiro waddadaan oo muhiim u ah isu socodka Gawaarida Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Mustaqbal
