Guddoonka Golaha Shacabka oo joojiyay kulanka maanta ee Golaha Shacabka

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday, ka dib markii uu hareeyay buuq xooggan oo ay sameeyeen qaar kamid ah xildhibaannada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in fadhiga uu si rasmi ah u xirmay, maadaama aan la sii wadi karin kulanka sababo la xiriira buuqa iyo muranka hareeyay madasha.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Guddoonka Golaha. Waxaa hareeyay dood adag oo u dhexeysay xildhibaanno taageersan Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib iyo Guddoonka Dooddaasi ayaa sii hurisay qeylada golaha.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee dib loogu yeeri doono kulanka Baarlamaanka.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Carruur u socday dugsi oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Hoobiyeyaal ku dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Read Next

Maxaa sababay khilaafkii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee BFS?