Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Yogurt ama Caanaha la fadhiisiyay waa cunto fudud, waxaana ku Milan faaiidooyin dhowr ah oo uu ka helayo jirka qofka cuna ama joogteeya, waxaana ay jilcisaa Caloosha, kumana dhibtoodo dheefshiidka.
Daraasad lagu sameeyay Caanaha la fadhiisay ee (Yogurt) ama (Zabaadi) waxaa lagu ogaaday in qofka ay ka caawiyaan isku dheelitirnaanta jirkiisa oo aan dhinacna u badan, waxaana ku jira Nafaqo uu jirta qofka u baahan yahay.
Shabakadda Power of Positivity oo sahanka baarista ah sameysay waxa ay daabacday warbixin ay kaga hadleyso waxyaabihii ugu soo baxay uruurinta macluumaadka iyo faaiidooyinka caafimaad ee laga helo Caanaha fadhiya ee (Yogurt) ama (Zabaadi).
Dalal badan ayaa aad looga isticmaalaa caanahaan, waxaana sababta lagu sheegay in jirka qofka isticmaala tamar uu helo, si qofka uu helo firfircooni uu ku qabsado shaqooyinka ama howlaha horyaalla.

Waxaa ku jira Bakteeriyo (il ma aragto) aan waxyeelo u geysan jirka, balse faaiidooyin u leh qofka oo ka caawiso u beddelashada caano cusub iyo la qabsashada.
Yogurt ama (Zabaadi) waa caano la fadhiisiyay oo laga helo protein iyo calcium, waxaana laga yaabaa inay sare u qaado bakteeriyada qanjirka caafimaad leh iyo kahor tagga lafaha jileeca ama Vitamin D oo qofka ka dhumo balse waa mid ku xiran Nuuca Yogurt ama (Zabaadiga) la cunayo
Maxaa kamid ah Faaiidooyinka ugu muhiimsan ee la daraaseeyay?
1- Isku dheelitirka nidaamka dheef-shiidka:
Daraasad ay sameysay waaxda cilmiga Noolaha ee Jaamacadda (Youngsten University) waxay sheegaysaa in cunista yogurt ay si isdaba joog ah u leedahay saameyn togan xagga soo saarka Bakteeriyada ubucda ee soo saarta lactic acid kasoo baxa carbohydrates.
Sidoo kale, waxa ay hagaajiyaan dheefshiidka cuntada, nuugista nafaqooyinka jirka waxaana ay xadidaa koritaanka Bakteeriyada waxyeelada leh.

2- Quruxda maqaarka:
Yogurt-ka ama Zabaadiga waxaa ku jira fiitamiin B2, kaasoo ka caawiya hagaajinta maqaarka isla markaana u muuqdo mid cusub, Waxaa intaa dheer waxa ay qofka ka caawisaa in laga takhaluso dhibaatooyinka maqaarka sida cambaarta iyo finanka.

3-Dhimista Miisaanka:
Cunista quraac caafimaad leh oo nafaqo iyo qiimo jaban sida Yogurt ama Zabaadi waa mid kamid ah qaababka ugu fudud ee lagu lumiyo miisaanka qofka kora ee uu doonayo in uu iska rido.

4- Shaqada Maskaxda:
Yogurt ama Zabaadi waxay gacan ka geysaneysaa hagaajinta shaqada maskaxda qofka iyo hagaajinta dareenka, waxaana Carruurta waxbarashada dugsiyada iyaga oo si aqiyaarnimo ah ula falgala bulshada.

5- Kahortagga Buuqa sababa in Madaxa uu dhiig ku furmo:
Cunnooyinka bisil waxa ay yareyn karaan cadaadiska dhiigga iyo waxyeelada halista ku ah wadmaha, Nuuca labaad ee Sokorta ama macaanka iyo dhiigga ku furma Maskaxda ama wadnaha.

6- Hoos u dhigidda Xanuunada ku dhaca kala goysyada:
Caanaha la fadhiisiyay waxa ay xoojiyaan lafaha iyo murqaha, waxa ay awood siiyaan kala goysyada jirka bani aadamka waxaana yaraado caabuqa.

Isha:- American Press, Mustaqbal Media.
