Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu qarxiyay makhaayadan oo ku taalla Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkinley gobolka Banaadir.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal qaraxa ayaa ka dhacay gudaha makhaayada xilli ay ku sugnaayeen dad badan rag oo xilligaasi ku qayilayay.
Khasaaraha ilaa hadda inta la ogyahay waa dhimashada hal ruux iyo dhaawaca in ka badan kale oo ku sugan gudaha Makhaayadda.
Dhaawacyada oo qaarkood culus yihiin ayaa la geeyay xarruumaha caafimaad ee magaalada, halkaasi oo lagu dabiibayo.
Goobta ay ka dhacday dhibaatada ayaa waxaa yimaaday Laamaha Amniga ee dowladda Federaalka, iyaga oo ka sameeyay baaritaan.
Weerarada nuucani oo kale ayaa waxaa gaysta AS, balse maalmihii la soo dhaafay waa ay yaraadeen, iyadoo Dowladda Federaalka ay adkeysay amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Mustaqbal
