Faahfaahino ka soo baxaya duqeymo ka dhacay deegaanno hoos yimaada Afgooye

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeymaha ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dad rayid ah oo ku sugnaa tuulada Jambaluul ee duleedka degmada Afgooye.

Tobanaan ruux ayaa warar soo baxaya sheegayaan inuu khasaare ka soo gaarey, kuwaasi oo dhaawacyadooda la keenay gudaha magaalada Muqdisho.

Duqeynta ayaa waxaa xaqiijisay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda NISA oo sheegtay in lagu beegsaday xubno ka tirsan AS.

Inta badan Saaxiibada Caalamiga ayaa Dowladda Federaalka ka taageera duqeymaha dhinaca cirka ah oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin AS, kuwaasi oo ay suuragal tahay inuu khasaare ka soo gaaro dad rayid ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Read Next

Mareykanka oo amray in la baaro baraha bulshada dadka dalbanaya Fiisaha wadankaasi