Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman
Madaxweynaha Dalka Turkiga Mr Erdogan ayaa shalay loo dhaariyay xilkaas,waxaana u billaabatay 5 Sano oo nidaamka Madaxtooyada ah.
Waxaa uu drubadiiba shaaciyay magacyada Golahiisa wasiirrada,maaddaama uusan ra’isalwasaare lahayn,waxaa uu sidoo kale magacaabay Madaxweyne ku xigeen.
Wasiirrada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha sidoodii ayaa loo daayay,waxaana ay kala yihiin Mevlut Cavusoglu iyo Suleyman Soylu,sida ay u kala horreeyaan.
Wasiirka Maaliyadda ayaa loo magacaabay Beraat Albayrak oo ah Wiilka qaba Gabadha Erdogan ama uu soddogga u yahay.
Fuat Oktay,waxaa loo magaacabay Madaxweyne ku xigeenka Turkiga,waxaa uu horay u ahaa Xoghayaha xafiiska ra’isalwasaaraha,waxaana uga sii horreeyay xoghayaha maareynka musiibooyinka ee Xafiiska Ra’isalwasaaraha.
