Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la dhammeystiray shirka dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Shirkan oo socday muddo 8 maalmood ah ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo ay ka qeyb galeen 417 ergo oo matalayay bulshada deegaanka ee ka kala yimid Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

“Shirka intii uu socday waxaa la isku afgartay ansixinta Dastuurka KMG ah, magaca maamulka Waqooyi Bari iyo Caasimadda oo noqoneysa magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Sidoo kale, waxaa xiga howlaha xulista baarlamaanka, doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa boggaadisay dadaallada nabadeed, wada-tashiga iyo is-afgaradka laga gaarey dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Mustaqbal

 

 

 

 

MM News

Read Previous

Cabdirashiid Janan oo farriin u diray askartii kula dagaalmay gudaha Beledxaawo

Read Next

Ilaali badqabka maskaxeed ee ilmahaaga, hana u iibin taleefan casri ah ka hor da’da 13 jirka