Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe looga hortagayo gaadiidka la baxsada Canshuurta.
Wasiirka ayaa sheegay in la keenay Nidaam Kaamirooyinka casri oo soo qaban doona gaadiidka aan bixin canshuurta, tillaabadaasi oo qeyb ka ah casriyeynta Hay’addaha Dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka howl galaan in ka badan 60 kun oo gaadiid ah, balse ay kaliya diiwaan gashan yihiin 25 kun.
“Waxaan soo wadnaa Nidaam Kaamirooyinka magaalada ku xiran ay soo qaban doonaan gaariga aan canshuurta bixin” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan Cige.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso casriyeynta adeegyada bulshada, si looga fogaado musuqa iyo isdaba marinta.
Mustaqbal
