Dowladda Somaliya oo sheegtay in hoggaamiyayaal ka tirsanaa Shabaab ku dishay Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in labo ka mid ah Madaxda Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan ay ku duleen duleedka Buula Burte ee Gobolka Hiiraan.

Gen. Odawaa Yuusuf ayaa Magacyada labada sarkaal ku kala sheegay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madaxa Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan yare oo ahaa madaxa Miinooyinka.

Dhinaca kale Ciidanka Daraawiishta Maamuka Jubaland ayaa sheegay in 15 ka kid ah Al-shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay duleedka Buundada Araare ee Gobolka Jubada hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Bandar-adiid o u dhow Araare waxaa kale oo ay Ciidamada dowladda sheegeen in ay qabteen mid ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Ma jiro ilo ka madaxbanaan saraakiisha dowladda oo ka hadlay dagaallada ka dhacay Hiiraan iyo Jubada hoose ee ay dowladda guulaha ka sheegatay.

 

News Editor

Read Previous

Midowga Afrika oo baaq u diray Beesha caalamka kana hadlay weerarkii Balcad

Read Next

5 xisbsi oo Walaac kamuujiyey War-murtiyeedka kasoo baxay shirka dib u heshiinta Galmudug