Dowladda Ingiriiska oo kordhinaysa Kaalmada ay siiso Dalal ay kamid tahay Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso kaalmada dibadda uga baxda, iyada oo Xukuumadda London ay gaarsiin doonto lacagtaas 3% miisaaniyadda Dowladdu ugu talagashay oo ah 7% sida hadalka loo dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Andy Burnham ayaa sheegay kaalmadaas si taxadar leh loola socon doonno isla markaana lagu dari doonno kaalmo dheeraad ah si loo xoojiyo qorshaha cusub ee isbaddelka Siyaasadda Dibadda ee UK.

Arrintaan waxa ay markale dib u guraysaa albaabadii kaalmada dibadda ee uu horay u xiray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas, Rishi Sunak oo xilka ka tagay Horraantii July sannadkii 2024, waana mid kamid ah waxyaabaha indhaha lagu hayo sida ay isku baddeli karaan.

Ingiriiska ayaa kaalmada Dibadda Dalalka uu ku bixiyo waxaa kamid ah Soomaaliya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaq siyaasadeed ee Xukuumadda London kula falgalayso howlgalka taageerrada raadinaya ee AUSSOM.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo caddaysay mowqifkeeda Qadiyadda Qubrus

Read Next

Dalal & Ururro kala duwan oo kahor yimid Dhul ballaarsiga Israa’iil ay ka waddo Daanta Galbeed