Dalal & Ururro kala duwan oo kahor yimid Dhul ballaarsiga Israa’iil ay ka waddo Daanta Galbeed

War kasoo baxay Dalal kala duwan iyo Ururro caalami ah ayaa si isku mowqif ah looga soo wada jaystay dhul ballaarsiga Israa’iil ay ka waddo Daanta Galbeed ee Dhulka Falastiin iyada oo dib u dhis ku wada Dhulkaas si ay xoog ugu qaadato.

Dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Canada, Masar, Malaysia iyo kuwo kale ayaa qorshaha damaca Israa’iil ee dhul ballaarsiga ah si toos ah uga hor yimid iyaga oo digniin u diray Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, Benjamin Netanyahu.

Qaramada Midoobay iyo Ururro kale oo Caalami ah ayaa si toos ah uga hor yimid tallaabada Israa’iil ee dhul-boobka ah, waxaana ay xaqiijiyeen in dhulkaas ay Yuhuudda xooggayso u aqoonsan tahay Falastiin sida ay ku xuseen bayaankooda.

Ciidanka Israa’iil ayaa si awood sheegasho ah u dumiyay guryo ku yaalla Daanta Galbeed iyaga oo dumiyay dhismo ay deggenaayeen Shacab Falastiiniyiin ah, qaarkood waxaa laga soo duubay muuqaallo lasoo geliyay Baraha Bulshada oo caddayn u ah dhul-ballaarsiga Israa’iil.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Ingiriiska oo kordhinaysa Kaalmada ay siiso Dalal ay kamid tahay Soomaaliya

Read Next

Xeebaha Mauritania oo lagu badbaadiyay Tahriibayaal u dhashay Senegal, Gambia & Mali