MW Xasan Sheekh oo Ballanqaad Waxbarasho u sameeyay 10ka Arday ee ugu sarraysa Imtixaanka Dowladdu qaadday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare ayaa u ballanqaaday in uu gacan ka siinayo sii wadashada geeddiga Waxbarashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirrageliyay Ardaydaas in ay sii wataan hayaankooda Waxbarasho isla markaana Dowladdu ay ka gacansiinayso sidii loogu fududayn lahaa safarkaas muhiimka u ah Mustaqbalkooda iyo Dalkaba.

Dhanka kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in Dowladdu ay waddo qorshe ay ku hirgelinayso Jaamacad kale oo dowladeed taasi oo bixindoonta casharro u gaar ah teknoolajiyadda iyada oo fursad siin doonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug