Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa Odoyaasha dhaqanka iyo nabadoona Maamulka Waqooyi Bari ugu baaqay in ay si degdeg ah u soo xulaan Xildhibaannada dowlad goboleedkaasi.
Wasiir Cali oo la hadlay mas’uuliyiin iyo shacabka ku sugan magaalada Laascaanood ayaa tilmaamay in muddo aan ka badneyn laba bari loo baahan yahay in lagu soo dhammeystiro Xildhibaannada.
“Laba beri gudahood ayaa la doonaya inaad soo xushaan Xildhibaannada, si ay isaga doortaan qofka ugu wayn, weli si caddaalad ah lagu soo xulo” ayuu yiri Wasiir Caliish.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in wixii ka dambeeya la guda gali doono doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Maamulka Waqooyiga Bari.
Mustaqbal
