Dowlada Soomaaliya oo deeq raashin ah kala wareegtay Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya Soo gaarsiisay deeq mucaawino gargaar ah , taas oo ay u Wakiilatay Xafiiska hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya.

Munaasabad ay hay’adda WFP kula wareegtay deeqdan raashiinka ah ayaa waxa ay Maanta ka dhacday Dekedda Magaalada Muqdisho, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hongtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Deeqdan oo ka koobnayd, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah, ayaa lagu wareejiyay Saraakiisha hay’adda WFP Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya ula wadaagaan qoondeynta gargaarkan Shiinuhu ugu talagalay Soomaaliya.

Mr; Hongtain Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan dhismaha iyo dib u habeynta Isbitaalka Banaadir, Garoonka Kubbadda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koofurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha amniga.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha deeqaha caawimaada ah Shiinuhu siiyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono meelihii loogu tala galay.

Deeqdaan Raashinka ah oo Dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo goobaha ugu daran ee ay baahiyaha kala duwan ka jiraan ka jirto sida uu sheegey wasiir Xamse Siciid Xamse.

MM Staff

Read Previous

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la wareegay Xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiraan.

Read Next

Ciidanka Nabadgelyada GM oo sheegay in ay qabteen Jaakad ay qaraxyo ku xiranyihiin..