Dowlada oo ka hadashay qarax maanta ka dhacay Muqdisho.

Dowladda Faderaalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ( Duudishe) ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye uu ahaa mid ka dhashay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka oo Warhaabinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Goobta la qarxiyay ay aheyd meel mashquul badan, balse ay qaraxa ku dhinteen laba ruux oo uu kujro ismiidaamiyihii iyo Haweeney Shacab ah.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in dad ku dhow soddon ruux oo rayid ay halkaas ku dhaawacmeen. Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in illaa lix ruux ay ku dhinteen qaraxan ismiidaaminta ah.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa ay ku waxyeeloobeen dadka Shacabka ah e ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

MM Staff

Read Previous

Burkina Faso:- Weerar lagu dilay 100 qof oo shacab ah.

Read Next

Somalia Government Condemns latest Blast in Mogadishu