Donald Trump oo Madax ka socota Yurub usoo bandhigay muddo kororsiga uu doonayo in uu sameysto

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hoggaamiyaha qaar kamid ah Dalalka Yurub ee martida u ah geeyay qol gaar u ah oo uu dhigto Koofiyada uu caanka ku yahay balse uu ku qoray “Afar sano oo kale” taasi oo muujineysa sida uu u damacsan yahay muddo kororsi.

Trump sida ku xusan sharciga Maraykanka markale isma soo sharrixi karo maadaama uu qaatay 8ta sano ee dastuurka dalkaas ku qoran, waxaa jira ereyo aan rasmi ahayn laakiin laga soo xigtay oo ah in uu doonayo afar sano oo kale.

Qaabka uu u raadinayo ayaa ah Dagaallo sababi kara in aan la qaban Karin doorasho in uu abaabulo taasina u suuragelineyso sidii uu usii joogo lahaa Aqalka Cad, waxaa damacaas diidan hay’adaha dastuuriga ah oo sheegaya in ay ilaalinayaan dastuurka Dalkaas.

Donald Trump ayaa kiisas kala duwan lagu soo furay afartii sanno uu xilka Madaxweynaha ka maqnaa, waa tan keentay in uu raadinayo sidii uu u sameyn lahaa ‘Dastuur Jabin’ si uu u noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay qaatay sanado ka badan muddo xileedkiisa.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Zelensky oo aqbalay in uu la kulmo Putin si loosoo afjaro colaadda kala dhaxeysa  

Read Next

Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay