Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay, ayaa ka dhacday meel dadku ay ku abdan yihiin, inkastoo xiliga qaraxa dhacayay oo habeen eheyd ay dadka isaga kala hoydeen goobta.

Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo, ayaa Warbaahinta Mustaqbal u sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo Shacab ah, sidoo kalena ay dhaawcayo soo gaareen Saddex ruux oo kale, qofka dhintay iyo dadka dhaawaca ah ayaa dhamaantood Shacab ah.

Ciidamada amaanka ee Koofur Galbeed ayaa howlgal ka sameeyay xaafada Wadajir oo ah halka qaraxa uu ka dhacay, lamana soo sheegin cid ay u soo qabteen weerarka.

Si kastaba, majirto cid wali sheegatay mas’uuliyada qaraxan, balse Shabaab ayaa looga bartay qaraxyadan noocan oo kale ah.

Web master

Read Previous

Xildh: Rashiid oo xabsiga ladhigay kaddib xadgudubkii uu u geystay xildh: Faaduma Geeddi oo ay kawada-tirsan yihiin Baarlamaanka Kenya.

Read Next

Wasiir Goodax oo madaxda ku shirsan Nairobi ka dalbaday iney shirkooda Muqdisho ku qabsadaan.