Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Mohamed Ibrahim Nur Moalimuu Waxa aan arkay wareysi aad ka qaadday Xildhibaan Dalxa, aniga oo og in aad si fiican u taqaan dhaqanka haddana wareysigaasi waxa uu ahaa wareysi gobol dhan lahjaddiisa iyo fankiisa lagu aflagaadeynayo! gobol kalana lagu ammaanayo.
habka aad wareysigaas u dhigtay aragtideyda xirfad ma aha balse waa rabitaan qaldaya ama u gefeya dhaqanka Soomaaliga Geelley iyo Beeraley kii uu doono ha ahaado
Gobolka Mudug Lahjad iyo dhaqan ahaan Wareysigaas in aad ku talagashay iyo in kale ma aqaan balse si kabaxsan dhaqanka Warbaahinta ayuu ugu xadgudbay, waxa uuna horseedayaa faquuqa dhaqanka iyo lahjadda ku dhisan ee la rabo in uu isqaato isna aqbalo.
Ereyada tusaalaha uu u qaatay xildhibaanku ee ay kamidka yihiin ” Jacayl qodax ah oo lagu joogsaday maba jirto waa dacaayad.
U fiirso waxa uu leeyahay dadka Gaalkacyo jooga dhaqankoodu waa Faroojo ama waa dhaqan xun oo dagaal ah! adiguna waa u jiibisay.
Waxa aad ogtahay in wax gobol ceeb ka ah ay gobol kale caadi ka yihiin, sidaas awgeed kan ceebta u arka ma xuma kan caadiga ay la tahayna ma xuma, kaladuwanaanshahaasuna aad ayuu u fiican yahay
Sidaas awgeed marka aan soo bandhigeyno dhaqanka waa in aan ogaano in aysan jirin lahjad ka horreysa ama ka wanaagsan lahjadaha kale ee Afka Soomaaliga.
Kaladuwanaanshaha dhaqanka iyo Fanku waa wax aad u fiican oo muujinaya qotoda iyo jiritaanka Suugaanta Soomaaliyeed.
Ninka ku heesay: Dhuubooy dhareerkaa dhalo iigu soo qaad anigaa raboo ku dhannaansahaa & kan leh: Qorraxdoo arroortii qaybisay fallaaraha ama qaansa-roobaad darruur midab ku qarisay! oo ah Prof Shirwac
Waa laba heesood oo midiba meel taabaneyso markaa ma jirto sabab mid loo kala faquuqo
Wasiir Maxamuud Xayir Ibraahim gefkaas waxa uu ka bixiyey raalli-gelin balse waxa ay muujisay arrintaasi in dad badan oo kujira siyaasadda iyo saxaafaddu aanay fahamsanayn sababta Dastuurka loogu qoray in afka Soomaaligu ka kooban yahay laba lahjadood oo kala ah Maay iyo Maxaa tiri.
WQ: Axmed C. Guutaale
