Dhaqaatiirta Xerada Dhagaxley oo ka mudaharaaday mushaar yari

Soomaalida Qaxootiga ku ah Xerada Dhaxagley ayaa waxaa soo wajahay Baahi Caafimaad kaddib markii dhaqaatiirtii caafimaadka ee degaankaas ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen

In ka badan 426 Qof oo ah dhaqaatiirta ayaa shaqo joojintaas ku dhaqaaqay kaddib markii ay dalbadeen in ay Mushaarka u kordhiso Hay’adda MSF ee bixisa mushaarkooda.

Dadka degaanka ee u badan Qaxootiga ayaa sheegay in ay sameyn taban ku yeelatay shaqo joojinta dhaqaatiirta

Dadka ay saameysay waxaa ka mid ah Haweenka Uurka leh, Dadka Da’da ah,kuwa qaba Cudurrada halista ah sida Dhiig karka iyo Sokorta ama Macaanka.

Waxaa ay dadkaasi dalbadeen in wax laga qabto dhibaatada caafimaad ee soo foodsaartay degaankaas.

Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya waxaa inta badan gacanta ku haya Hay’adaha samafalka ee hoostaga Qaramada Midoobey.

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidanka Amaanka oo Muqdisho ku qabtay labo qof oo lala xiriiriyay Al-shabab

Read Next

2 Askari oo Israel ah iyo 3 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gaza