Dhageyso: Madaxweynaha Hirshabelle oo cabasho ka ah weerarada sii kordhaya ee Shabaab ka geysanayaan Sh.dhexe.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed C/Waare, ayaa ka hadlay falalka amni daro ee mudooyinkan ku soo kordhay deegaanada maamulkiisa, isagoo fariin u diray madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya.

Waare oo maanta ka hadlay munaasabad lagu soo bandhigay waxsoo saarka dalka, ayaa sheegay in maamulkiisa uu heysto culeyusyo dhinaca amaanka ah, taasoo uga imaneysa Shabaab.

Waxa uu shaaciyay in Shabaabka lagu baacsanayo gobolka Sh.Hoose ay galayaan gobolka Sh.Dhexe, taasoo uu ku sifeeyay iney tahay mid dhibaato hor leh ku keeneysa maamulkooda.

“Howlgalada ka socda Shabelaha Hoose,cadowgii lama laayn wadankii kama bixin annaguu noo soo guuray halkan ayuu nala joogaa.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Waare:

 

News Editor

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo gaaraay Dhuusamareeb.

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in loo gudbay wajiga 2aad ee Shirka Galmudug