Dhageyso: Cali Gacal Casir oo eedeeyay Puntland iyo Mucaaradka.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa soo dhaweeyay warqad shalay ka soo baxday Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo lagu soo bandhigay habraaca nidaamka doorashoyinka maamul goboleedyada.

Shir Jaraa’id oo uu u qabtay Suxufiyiinta ayuu ku sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ay awood sharci u leedahay la socoshada doorashooyinka maamul goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday iney habeyso doorashada ka dhaceyso Galmudug.

waxa uu sidoo kale sheegay ineysan waqtigeeda dib uga dhaceyn doorashada madaxtinimo ee maamul goboleedka Galmudug oo ku beegan sida uu sheegay 4-ta bisha Todobaad ee sanadkan 2019.

“Doorashada Madaxweynaha Galmudug waxaa la qabanayaa 4-ta bisha July 2019, ka hor waa in la soo doorto Xubnaha Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa dhinaca kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, isagoo ku eedeeyay iney fara gelin ku hayaan arrimaha gudaha ee Galmudug.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Cali gacal Casir:

News Editor

Read Previous

Iska hubi koleeyba wey ku saameyn doontaa ( Cashar Muhim ah)

Read Next

Shabaab hubeysan oo xalay weeraray Saldhig Amisom ay ku leeyihiin Jubbada hoose.