DG Puntland oo sheegtay in duqeymaha ka socda Calmiskaad ay awood kusoo kordhiyeen ciidanka Difaaca

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in weerarrada cirka ah ee lagu beegsanayo saldhigyada Daacish ay ku leedahay dhulka kala sarreeya ee buraleyda ah ay kusoo kordhiyeen inay si fudud ciidamadu u qabsadaan dhul baaxad weyn.

Hoggaanka Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidamada lugta ay gudaha u galeen Tog howd ah oo ay adag tahay in ay kusii noolaadaan xubnihii lagu beegsaday oo intooda badan la dilay.

Puntland ayaa soo bandhigtay Baasaboorrada Dalal kala duwan oo la sheegay in ay wateen xubnaha Daacish kuna soo galeen Soomaaliya, waxa ay Sirdoonka Dowlad-Goboleedkaas iyo kuwa Maraykanka oo iskaashanaya ay billaabeen dabagalka xogta Dadkaas.

Dalalka Baasaboorkooda laga helay Godka Aleelo-yar ee Togga Miiraale waxaa wehliyay Koontooyin Bangiyo oo ay lahaayeen dadkaas sida ay Warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland.

Halkaan ka aqriso Baasaboorrada Puntland qabatay Dalalka laga leeyahay:

Jarmalka, Morooko, Sacuudi Carabiya, Koofur Afrika, Tuniisiya, Arjantiina, Tansaaniya, Kenya, Baxrayn, Lubnaan iyo Bangaaladeesh, tirada ugu badan waxa ay kasoo jeedaan Qaaradda Afrika sida ka muuqa xogta Baasaboorrada lasoo bandhigay.

Puntland ayaa sheegtay in xubnaha Daacish ee jooga Buuraleyda Calmiskaad ay yihiin Ajaanib dalal kala duwan isaga kala timid, waxa uu Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah xubnahaas.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Trump oo qiray in Muslimiinta Maraykanka ay door muuqda ku lahaayeen Doorashadii 2024

Read Next

Telefoonka mar kasta ma la gashaa suuliga? Cudurro ayaa ka dhasha!