Dalka Koofurta Suudaan oo la wareegay Maamulka hawadiisa

Dawladda Koonfurta Suudaan, ayaa si rasmi ah ula wareegtay Maamulka hawadeeda, tan iyo markii ay xurnimada qaateen sannadkii 2011.

Madaxweynaha dalka Koofurta Suudaan, Salva Kiir oo ka qeyb galay Munaasabad ka qabsoontay magaalada Jubba ee caasimadda dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in ay hadda si rasmi ah u maamulayaan hawada dalkaasi.

Salva Kiir xusay in tillaabadani ay tahay mid ilaalineysa Madaxbannaanida dalkaasi oo 2011 ka go’ay dalka Suudaan.

Shiinaha ayaa Dalka Koofurta Suudaan u dhisay goob casri ah oo ay ka maamulan karaan hawadooda, isla markaasna ay ku ogaan karaan diyaaraha maraya hawada.

Koofurta Suudaan hawada qeyb kamid ah ayay maamuli jirtay, balse hadda waxaa ay heleen fursad ay si buuxda ugu maamuli karaan, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir.

Mustaqbal

 

MM Editor

Read Previous

Wada hadallo u billaawday Dowladda Indonesia iyo kooxaha Afduubtay Markabka MT Honor 25

Read Next

Masar oo war ka soo saartay Safaaradda la sheegay inuu Maamulka Waqooyi Galbeed ka furanayo Qudus