Dagaal khasaare dhaliyay oo ka socda Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo gudaha magaalada.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira dhismaha saldhig Boolis oo laga wado magaalada, kaas oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan ka taagnaa.

Maleeshiyaad ka soo horjeeda dhismaha saldhigga iyo ciidamada amniga oo taageero ka helaya dad kale oo u ololeyneysa dhismaha saldhigga ayaa haatan ku dagaalamaya gudaha magaalada.

Khasaaraha dagaalka ayaa weli aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, hase yeeshee wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ay jiraan khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tagey furimaha hore ee dagaalka AS

Read Next

Qadar ma ku guulleysan kartaa dib u billaabida Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland?