Dagaal Beeleed Caawa ka socda Duleedka Degmada Balcad.

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay sheegayaan in Deegaanka Cadayda uu ka socdo Dagaal Beeleed.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa dhimatay, tiro kalena way dhaawacantay, waxaana dagaalka uu bilawday Gelinkii dambe ee maanta.

Maxamuud Cali oo kamid ah Dadka Deegaanka halka lagu dagaalamayo ayaa Mustaqbal u sheegay in dadka dhintay midkood uu yahay wiil yar, labada kalena ay yihiin dhinacyada Dagaalaamaya.

Ma jirto cid kala dhexgashay, waxaana wararka ay sheegayaan in Deegaanno horleh uu ku faafaahay.

Deegaanka lagu dagaalamayo ayay dadka deegaanka ay Mustaqbal u sheegeen in dhowaan lagu dhigay gogol lagu heshiisiinayay Beelaha Maleeshiyaadkooda dagaalamayo.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal media

Read Previous

Guddiga xallinta Khlaafaadka Puntland oo kulan ka yeelanaya kuraas dacwo laga soo gudbiyay

Read Next

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddiga Maaliyadda oo Caawa ku kulmay Muqdisho. (Sawirro).