MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Degmada Guraceel ee Gobolka Galguduud waxaa ka kacay Dab, saaka oo Axad ah,waxaana dadka degaanka ay ku howllanyihiin daminta dabkaas.

wararku waxaa ay sheegayaa in dabka oo ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla Guraceel uu saameeyay Ganacsiga Maqaayad lagu magacaabo Beder iyo Xarunta Hormuud ee Magaaladaas.

Dabkan ayaa waxaa damintiisa ku howllan maamulka Magalaada iyo dadka degaanka, iyada oo halka uu dabka ka kacay ay sidoo kale ku yaalla Carwooyin Ganacsi waxaana laga baqayaa in uu ku faafo ganacsiga la deriska ah.

La soco wixii ku soo kordha.
