Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Ururka Daacish ayaa baahiyay tiro ka mid dagaallamayaashooda ku dhintay howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya.
Wargeyska Long Street Journal oo baahiyay Warbixintan ayaa sidoo kale lagu faah faahiyay magacyada iyo qabiillada ay ka soo jeedaan ragga ka tirsanaa Daacish eek u dhintay Soomaaliya.

Dadkan waxaa ka mid ah qof Soomaali,Canadian ah iyo kuwa ka soo jeeda Dalka Jabuuti iyo Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Inta badan Magacyada iyo Qabiillada ay soo bandhigtay Daacish ayaa ah kuwa deggan Jamhuuriyadda Soomaaliya marka laga reebo tiro ka soo kala jeedda dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Qabiillada ay ka soo kala jeedaan Ragga Daacish soo bandhigtay magacyadood ayaa waxaa ka mid ah; Majeerteen, Leelkase, Sheekhaal, Raxanweyn,Marriixaan, Gaaljecel, Abgaal,Xawaadle iyo maxamuud Saleebaan.

Daacish ayaa adeegsiga qabiillada ku sifeysay waxa loo yaqaan Kunyo ama naaneysta qofka,waxaana ay qoreen magaca saddexan ee qofkasta, qabiilkiisa iyo sawirkiisa.
Muuqaalka ay baahisay Daacish waxaa ka soo muuqday bashiir Abuu Nucmaan oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee Daacish laakiin Amniyaadka AL-shabaab ay sanadkii 2015kii dileen.

Waxaa kale oo ka soo muuqday Maxamed Makkawi oo u dhashay dalka Suudaan,kaas oo loo heysto dilka Muwaaddin Mareykan ah oo uu 2008dii ku dilay Magaalada Khartuum, Al-shabaab ayaa isaguna horay u dishay sida ay sheegtay Daacish.
Lacagta uu Mareykanka dul dhigay Madaxa Maxamed Makkawi wali waxaa ay ku jirtaa halkii lagu ballan qaaday inkasta oo AL-shabaab ay sheegeen in Ninkaas la dilay.

Sawirrad iyo Magacyada ay baahisay Daacish waxaa ka mid ah dagaalyahanno ka tirsanaa oo fuliyay labo weerar oo isqarxin ah kuwaas oo ka dhacay Boosaaso midna lagu beegsaday Hotel lagu magacaabo The Village halka weerarka kale lala beegsaday Ciidanka Puntland.
Halkan hoose ka eeg.
https://www.longwarjournal.org/archives/2019/01/islamic-state-somalia-eulogizes-foreign-fighters.php
