Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Dowladda Ciraaq ayaa marti gelisay shir ay ka qeybgaleen lixda dal ee ay sohdinta la leedahay, waxaana dalalka shirkaas ka qeyb galay ka mid ah labada dal ee uu u dhaxeeyo xafiiltanka dhinaca awoodda Bariga dhexe ee Iraan iyo Sucuudiga.
Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq , Maxamed Halbuusi ayaa marti geliyay shirkaas oo uu ku muujinayay in Ciraaq ay hadda tahay dal dhex dhexaad ah islamarkaana xiriir wanaagsan ka doonaya dalalka deriska la ah.
Dalalka shirkaas ka qeybgalay waxaa ka mid ah Sucuudiga, Turkiga, Iraan, Syria, Joordan iyo Kuwayt,waxaana ay dowladda Ciraaq ku muujisay in ay dooneyso in ay soo ceshato sumcaddeeda gobolka noqotana dal wax dhex dhexaadin kara.
Ciraaq ayaa 30kii sano ee la soo dhaafay ku jirtay dagaallo ay la gashay dalalka deriska la ah sida Kuwayt iyo Iraan,waxaa sidoo kale ay gashay dagaalkii lagu riday maamulkii Saddaam Xuseen,waxaana uu horseeday in ugu dambeyn ay ka soo kabatay.
Shirka heerka gobol ee Sabtigii shalay ka furmay Baqdaad,waxaa uu ka dhashay booqasho uu Ra’isalwasaaraha Ciraaq Bishii la soo dhaafay ku tagay dalalka Sucuudiga iyo Iraan oo uu ku qanciyay in ay shirkaas ka qeybgalaan.
