140 qof oo ku dhintay weerarro lagu qaaday Kaniisado iyo Hoteello ku yaalla Sri Lanka

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 140 qof,waxaana dhaawac ah dad  ka badan 300 qof,dowladda waxaa ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah iyada oo xubnaha ugu sarreya dalkana ay leeyihiin kulan gaar ah.

Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay Caasimadda Sri Lanka  ee Colombo,waxaana la beegsaday Hoteello waaweyn iyo Kaniisado.

Waxaa la weeraray Saddex Kaniisadood iyo saddex Hotel,waxaana ay u muuqdaan weerarro isku xiran oo hal meel laga abaabulay.

Weerarrada ayaa ku soo aaday iyada oo dadka Kiristanka ah ay u dabaaldegayaan Ciidda Easter.

Bur bur xoog leh ayaa ka muuqda dhamaan dhismayaasha la weeraray, Booliska ayaa xaqiijiyay in weerarrada ay yihiin kuwo isku xiran.

 

Web master

Read Previous

Ciraaq oo shir isugu keentay Sucuudiga iyo Iraan

Read Next

30 Soomaali ah oo lagu xiray Waqooyiga Gariigga.