Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoogga saaray howlgallada ka dhanka ah AS ee xooggooda ka socda deegaanno katirsan Maamullada Koofur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug si ay gacanta ugu dhigeen deegaannada ka maqan gacantooda.
Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku warramay in ay guullo muhiim ah ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaannada katirsan saddexdaas Maamul Goboleed iyaga oo weli sii wada howlgalladooda.
Ujeedka howlgallada ayay saraakiishu ku sheegeen in ay doonayaan gacan ku dhigista deegaannada ay ku sugan yihiin AS kahor inta aan la gelin waqti roobaadka oo isu socodka deegaannada qaarkood uu joogsan karo.
Sidoo kale ujeedka labaad ayaa ah in la xoojiyo nabadgalyada deegaannada ay ka qabsoomayaan codaynta dadweyne ee doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan deegaannada Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Howlgallada dhulka ah waxaa wehliya duqaymo cirka ah oo qaarkood ay fulinayaan diyaaradaha ay wataan ciidanka Xoogga Dalka, waxaana intaas dheer duqaymo kale oo NISA ay ka fulinayso gudaha deegaannada ay ku sugan yihiin AS
Mustaqbal
