Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Ciidamada amaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxyaabaha qarxa ka soo saaray goob loogu talagalay in lagu dukado Salaadda Ciidda.
Saraakiil ka tirsan Koofur Glabeed, ayaa Idaacadda Mustaqbal, u sheegay in qaraxa laga soo saaray magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay, si gaar ah fagaare weyn oo loo diyaariyay in Wadajir sallaada loogu tukado.
Wararka la helayo waxa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa Miino weyn la doonayay in lala eegto Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Wadajirka u tukaneysa, iyadoo ugu danbeyn arintaas ay fashiliyeen Ciidamada Wadajirka uga howlgalay goobta.
Magaalada Buurhakaba oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 190-kun oo ruux, ayaa waxaa si xowli ah uga socda howlgalada dhinaca amaanka ee ay sameynayaan Ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomalaiya, si Nabad Gelyo ay Sallaada u oogaan Shacabka.
