Ciidanka Jabuuti iyo Al-shabab oo xalay ku dagaallamay Jalalaqsi

Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalqasi ee Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku jira AMISOM oo kaashanaya kuwa degaanka iyo Al-shabaab ay xalay ku dagaallameen degaankaas.

Ugu yaraan hal Askari oo ka mid ahaa Ciidamada degaanka ayaa la sheegayaa in uu ku geeriyooday dagaalka kooban ee dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo dhinaca ah iyo Al-shabaab.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka oo muddo kooban socday ay aad u maqlayeen Rasaasta la isku ridayay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa kaddib howlgal ka billaabay degaanka iyada oo aanay jirin ilaa hadda cid ay u soo qabteen weerarkii xalay ka dhacay Jalalaqsi.

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya, Tanzania mark bombings which introduced Al- Qaeda

Read Next

Ciidanka Itoobiya oo xiray qaar ka mid ah mas’uuliyiintii dowlad degaanka