Ciidanka Dowladda oo dhaqdhaaqyo ka wada gobolka Shabeellada Dhexe

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha dhinaca Amniga ayaa sheegay in howlgallada ay si gaar ah uga socdaan deegaannada hoos yimaada sida degmada Masaajid Cali Gaduud oo dagaal culus shalay ku dhexmaray AS iyo Ciidanka Dowladda. Waxaa ciidamada ay sheegeen in ay ku raad joogaan xubnihii ka tirsanaa AS ee weerarka ku soo qaaday Masaajid Cali Gaduud.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa dhaqdhaaqyo ka wada deegaanno hoos yimaada magaalooyinka gobolka Shabeellada Dhexe sida Balcad, halkaasi oo xubnaha AS ay weerarada ka qaadaan.

AS ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro qaraxyo ku billaabanaya ku qaaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo Dowladda Soomaaliya ku dadaaleyso sidii loo joojin lahaa dhaqdhaaqyada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo sheegay in ay kordhinayaan soo saarista Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Read Next

Madaxweyne ku xigeenka Koofurta Suudaan oo laga dhigay Xabsi guri