Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubaland oo sheegay in degaanno cusub kala wareegeen Al-shabab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya qeybta 43aad ee Xoogga dalka iyo saraakiisha Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay degaanno cusub kala wareegeen Al-shabaab.

Ciidanka oo wada Miino ka sameysan.

Degaannada ay Ciidamada sheegeen in ay saaka qabsadeen waxaa ka mid ah Kooban,Araare,Muuse Xaaji iyo degaannada ku hareereysan.

Ciidanka oo fiirinaya Miinada culeyska ku qaraxda.

Todobaadyadii la soo dhaafay degaannadaas waxaa ka dhacayay duqeyn iyo hoowlgallo gaar ah oo ay fulinayeen Ciidamada dowladda oo kaashana Taliska Mareykanka ee Afrika.

Waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada ee ay soo bandhigeen Ciidanka.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada sheegay in ay la wareegeen degaannadaas ayaa intaas raaciyay in ay sidoo kale waddada ka saareen 20 Miino, sidoo kalena qabsadeen Hub culus.

Askari Miino baaraya iyo mid hortiisa fadhiya.

Howlgalka ayey sheegeen in shalay ilaa saaka uu ka socday degaannadaas islamarkaana dhinaca Jamaame ay u jaheysteen Ciidamada iskaashanaya ee doonaya in ay AL-shabaab kala wareegaan degaannadaas.

Mustaqbal media

Read Previous

Juventus oo xaqiijisay saxiixa Aron Ramsey.

Read Next

James Rodriguez oo sheegay inusan dooneynin ka ciyaarista Premier League-ga