Ciidamada Gorgor oo sheegay in ay dardar galinayaan howlgalllada ka socda Galmudug

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa abaabulka dagaal ka dhan ah AS ka wada deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, kuwa Deegaanka ayaa kulamo la yeeshay dadka deegaanka Magaalada Wisil ee Koofurta Gobolka Mudug.

Taliyaha Guutada 18-aad ee Gorgor, Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa sheegay in ay howlgallo ka dhan  ah AS ay ka billaabayaan deegaannada maamulka Galmudug.

“Siyaasiyiinta haddey doonayaan in ay dalka ka taliyaan waa in dowladda laga taageeraan dagaalka AS” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi

Sidoo kale, Taliya ayaa sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay in ay ciidamada Amniga ka taageeraan dagaalka.

Maalmihii la soo dhaafay Madaxda sare ee dalka ayaa furimaha hore tagayay, halkaasi oo Saraakiisha Ciidanka ku farayeen dardar galinta dagaalka AS.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS “Ciidanka dowladda ayaa hadda gacanta ku haayo deegaanka Sabiid iyo Caanoole”,

Read Next

Sacuudiga oo sheegay in ka badan 122 Milyan oo ruux booqdeen dhulka Barakeysan