Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in tirada xujeyda iyo dadka soo booqanaya labada masjid ee barakeysan bisha Ramadaan ay kor u dhaafeen 122 milyan oo qof.
Dadkaan oo isaga kala yimid dalalka Caalamka ayaa ku cibaadeysanayay Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga.
Xafiiska guud ee arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tirada dadka yimid labada masjid ee bisha Ramadaan ee sanadkan 1446-ka ay gaarayaan 122 milyan, 286 kun iyo 712 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
Tirada Bisha Ramadaan ayaa gaadhay 16,558,241, halka ay guud ahaan ku tukadeen Masjidka Xaramka 75,573,928, halka tirada dadka ku tukaday Masjidka Nebiga ay gaadheen 30,154,543.
Waxaa xusid mudan in Xarunta Guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga ay adeegsato tignoolajiyada casriga ah si ay ula socdaan tirada dadka ku cibaadeysanaya iyo xujeyda booqanaya Baydka Xaramka.
Mustaqbal
