Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada Dowladda ayaa xalay Howlgalo ka sameeyay Xaafadaha u dhaxeeya Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka oo cabashooyin laga qabay kooxo dhac ka geysta.

Howlgalka ayaa si gaar ah ugu dhacay inta u dhaxeysa Cali Kamiin iyo Shiirkole sida Mustaqbal u sheegeen dadka deegaanka.

Xaafadahaas ayaa muddooyinkii dambe waxaa kasoo yeereysay Cabasho dadka deegaanka ay ka qabaan kooxaha dhaca geysta.

Ciidamada ayaa isgoysyada dhigtay gaadiidka dagaalka, waxa ay baarayeen Gaadiidka, Mootooyinka iyo dadka saaran sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Hay’adaha amniga Dowladda kama warbixin howlgalka iyo hadii ay jiraan dad ay kusoo qab-qabteen.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Faarax Macallin: “Mareykanka Habeenkii ayuu gurtaa macdanta Soomaaliya”

Read Next

AU awards police officers for peace contribution in Somalia